Kulan La sheegay Inuu Dhexmaray Hoggaamiyaha Kacdoonka Hiiraan Iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle

 

13-06-2021

 

BALADWEYNE – Hoggaamiyaha Golaha Kacdoonka Hiiraan Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Gudaha Magaalada Baledweyne ayaa si faahfaahsan uga hadlay Kulan la sheegay inuu dhexmaray isaga iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

Jenaraal Abuukar Xuud wuxuu sheegay Ineysan Jirin wax Kulan Gaar Ah oo Siyaasadeed oo dhexmaray isaga iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle Yuusuf Dabageed balse ay jirto iney ku kulmeen Kulan oo ay Beeshooda laheyd.

“Way jirtaa inaan Dabageed Xalay kulanay ee Majirin wax Kulan Gaar Ah oo ina dhexmaray anniga iyo isaga ee waxaan ku kulanay Kulan Qaraabeysi ah oo Beesha u dhexeeyay, waxaana uu igu soo hadal qaaday in Dadku naceen ana waxaan ku iri Dadkaada dhinac kasoo raac kuma necbe,” ayuu yiri Jenaraal Abuukar Xuud.

Majirto Wax war ah oo kasoo baxay dhanka Madaxweyne Ku-xigeenka Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo ku aadan kulan la sheegay inuu Xalay dhexmaray isaga iyo Hoggaamiyaha Kacdoonka Hiiraan Jenaraal Xuud oo si weyn, Xalay ilaa Maanta looga hadal haayay Magaalada Baledweyne.

Isha Warkan: Hiran Online

Leave a Reply