Madaxweynaha Aserbajaan (Azerbaijan) Oo Waraaqaha Aqoonsiga Danjiranimo Ka Guddoomay Danjiraha Soomaaliya Ee Turkiya (Turkey) iyo Aserbajaan

 

12-06-2021

 

BAKU – Madaxweynaha Dalka Aserbajaan Mudane Ilham Aliyev, ayaa Saakay Warqadaha Aqoonsiga Danjiranimo ka guddoomay Danjirahaa Soomaaliya ee Dalalka Turkiya iyo Aserbajaan, Danjire Jaamac Caydiid.

“Aserbajaan waxaan ka ahaan doonaa Safiir aan fadhiyin oo Xaruntiisu tahay Ankara, Turkey,” ayuu yiri Danjire Jaamac Caydiid.

Soomaalia iyo Aserbajaan waxay lahaayeen Xiriir Walaaltinimo, waxayna ku wada jiraan Ururo Caalamiga ah sida Ururka Islaamka iyo QM.

Danjiraha ayaa waxaa uu Qoraalkiisa ku sheegay in dib-usoocelinta Xiriirka ka dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Aserbajaan uu Fursad u yahay Labada Dal.

Xigasho: Radio Muqdisho

Leave a Reply