Guddi Uu Wasiir Koowaad Rooble, Uu Usaaray Xaaladda Ciidamada Ku Maqan Eretereeya (Eritrea)

 

12-06-2021

 

MUQDISHO – Wasiir Koowaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi soo baara Cabashada Waalidiin Soomaaliyeed oo sheegay in aysan War iyo Wacaal ka helin Carruurtoodii oo ay sheegeen in Tababar loogu diray Dalka Eretereeya.

Guddigan oo ka kooban illaa Shan Xubnood ayaa u kuur geli doono Xaaladda Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Tababarka loogu qaaday Dalka Eretereeya, kadib Cabashada Xoogan ee ka timid Waalidiinta Caruurtaasi.

Sidoo kale Arrintan ayaa kusoo aadeyso, xilli ay soo baxday Warbixin lagu sheegay in Dhalinyaradaas laga qeyb-geliyey Dagaalkii ka dhacay Gobolka Tigray ee Waqooyiga Dalka Itoobiya.

Xigasho: Radio Shabelle

 

Leave a Reply