Golaha Guurtida Somaliland Oo Ansixiyay Ajandahooda Kal-fadhiga 75aad

 

12/06/2021

 

HARGEYSA (SOLNA) – Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ansixiyay Ajandahooda Kal-fadhiga 75aad, kaas oo ay Kaabis iyo Wax-kabedel ku sameeyeen Xildhibaanada olahaasi.

Fadhigii Maanta ee Golaha Guurtida Somaliland oo uu Shirgudoominaayey Gudoomiyaha Golahaasi Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa Mudanayaasha Golahasai waxay cod Gacan-taag ah ku meelmariyeen Ajandahooda Kalfadhiga 75aad, halka Shirgudoonka Golahaasi ay Ajandahoodaasi ku soo dareen Qodobo ay Tallo ahaan ku soo jeediyeen.

Ajandahaasi markii Cod loo qaaday waxaa ogolaaday 52 Mudanae, Cid ka aamustay iyo Cid diidey ma jirin, Gudoomiyuhuna ma codeyn, waxaana sidaa ku ansaxay Ajandaha Kal-fadhiga 75aad ee Golaha Guurtiada, oo uu ku jiro Wax-kabadal-kii iyo Kaabistoo lagu daray Ajandahaas, waxaana Fadhi dambe loo balamay Maalinta Bari ah, si ay Mudanayaashu u gudo galaan Ajandahoodaasi.

Leave a Reply