12-06-2021
BALADWEYNE – Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa Saakay gaartay Ergo uu hoggaaminayay Wasiirka Dib-uheshiisiinta iyo Dib-udejinta Dowlad Goboleedka Hirh-Shabeelle Cabdikariin Cali Nuur.
Ujeedka Wasiirka iyo Ergada la socotay, oo ay kamid ahaayeen Xubno katirsan Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle,ayaa waxaa ay aheyd sidii ay uga Qeybgeli lahaayeen Shirarka Dib-uheshiisiinta ee loo sameynayo Beelo ku dagaalamay Duleedka Baladweyne.
Wasiir Cabdikariin Cali ayaa Kulamo gaar-gaar ah la yeelan doona Waxgaradka iyo Odayaasha Dhaqanka Beelihii dhawaan ku dagaalamay Deegaano hoostega Baladweyne, kuwaasi oo Heshiis hordhac gaaray, isla markaana uu haatan u furan yahay Shir Dib-uheshiisiineed.
Sidoo kale, Wasiirka Dib-uheshiisiinta iyo Dib-udejinta Hirh-Shabeelle iyo Ergada la socotaba ayaa u sii gudbi doona Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiran oo uu ka socdo Shirka Dib-uheshiisiinta Beelo Walaalo ah oo ku dagaalamay halkaas.
Shirarka Dib-uheshiisiinta loogu sameynayo Beelaha ku dagaalamay Deegaano hoostega Baladweyne iyo Matabaan ayaa waxaa ka-qeybgalaya Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle iyo Waxgarad, waxaana Dagaaladii dhacay ay salka ku hayeen Muran Dhuleed iyo Aano-qabiil.
Xigasho: Radio Dalsan