Kenya Baa Fasaxday Duulimaadyadii Muqdisho Iyo Nairobi

 

10-06-2021

 

Dowladda Kenya ayaa fasaxday Duulimaadyadii Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, kadib markii ay joojisay Bishii Hore ee May.

Qoraal ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya u soo dirtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay Kenya dib u fasaxday Duulimaadyadii Labada Dal.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Kenya ay Go’aankan gaartay, kadib markii ay xiriir wada sameeyeen Labada Dhinac.

Kenya ayaa sheegeysa Dib-usoocelinta Duulimaadyada Labada Dal, in uu wax ka tari doono Xiriirka Diblomaasiyadeed ee Labada Dowladood.

Xukuumadda Nairobi ayaa mid muhiima u aragta in Labada Dhinac ay Haatan ka wada shaqeeyaan Dadaalada lagu xakameynayo Xanuunka COVID-19, iyadoona Dadka ka soo safraya Soomaaliya laga dalbaday inay horey u soo qaataan Warqadda Caafimaad, ee ah inay iska baareen COVID-19.

Dalka Kenya ayaa waxaa kordhaya Kiisaska Maalinlaha ah ee Dalkaasi laga diiwaangeliyo, iyadoona Dowladdu ka digtay Mowjad 4aad oo Xanuunkaasi ah.

Xigasho: Universal TV Somali

Leave a Reply