Banaanbax Ay Dhigeen Waalidiin Caruurtooda Loo Qaaday Ereteriya 

 

10-06-2021

 

MUQDISHO – Waaldiintan oo isugu jira Rag iyo Haween ayaa waxaa ay Maanta Banaanbax ka dhigeen Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho, iyaga oo dalbadanayay in Carruurtooda dib loogu soo celiyo.

Banaanbaxayaasha oo watay Boorar ay ku qoran yihiin Erayo ay ku dalbadanaaan in Carruurtooda ay Dowladda Soomaaliya dib ugu soo celiso, kuwaas oo ay sheegeen in ay maqleen inay ka qeyb galeen Dagaalkii looga soo horjeeday Kooxda TPLF ee ka dhacay Waqooyiga Itoobiya

Qaar kamid ah Waalidiinta Banaanbaxa dhigayay oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa ay sheegeen in Dowladda looga baahan yahay in Nolol ama Geeri ay ugu keenaan Carriirtooda oo Muddo Sanado ah arkin, nala hadin.

Waxaa ay sidoo kale ay Hadalkooda ku dareen in markii la qaadayay Dhalinyarada loo sheegay in la geynaayo Dalka Qatar balse la geeyay Dalka Ereteriya, taasi oo shaki ku abuurtay.

Waalidiinta Maanta ee Dibadabxa ka dhigay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay kusoo aadayaan Xilli dhawaan Warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobay lagu sheegay inay heleen Cadeeymo muujinaya in Dhalinyaro Soomaali ah ka qeyb-galeen Dagaalkii ka dhacay Gobolka Tigreega ee Itoobiya, kaas oo u dhexeeyay Ciidamada Itoobiya iyo Jabhadda TPLF.

Xigasho: Radio Risaala

Leave a Reply