Howlgalo Ay Ciidamada Xooga Dalka Ay Ka Wadaan Qeybo Kamid Ah Gobolka Hiiraan

 

09-06-2021

 

Ciidanka Xoogga Dalka, Qeybta 27aad ayaa waxey Deegaano katirsan Gobalka Hiiraan ay ka fuliyeen Howlgalo ballaaran oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab. .

Deegaanada ay Ciidamada Xoogga Dalka ay Xiligan Howlgalada ka wadaan waxaa kamid ah Aboorey, Beero-yabal, Wariirey, Galboocale iyo Yasooman, oo dhammaantiood hoostaga Degmada Buulo Barde ee Gobalka Hiiraan.

Howlgalkan ayaa waxa uu qeyb ka yahay Howlgalada ay Ciidamada Xoogga Dalka ay ka wadaan Deegaano iyo Degmooyin kamid Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle oo ay Al-Shabaab joogaan Deegaano kamid ah Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle.

Taliyaha Qeybta 27aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Jeneraal Maxamed Maxamud Calasow (Tareedisho ) oo hor kacaya Howlgaladan, ayaa wuxuu sheegay in Ciidamada ay wadaan Howlgalo lagula dagaalamayo Al-shabaab.

Isha Warkan: Hiiraan Weyn News

Leave a Reply