Ciidamada Dowladda Iyo Al-Shabab Oo Saakay Ku Dagaalamay Deegaanka Daynuunaay Ee Gobolka Baay

 

09-06-2021

 

Wararka ka imaanaya Deegaanka Daynuunaay ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in Dagaal Culus oo Saacado badan qaatay uu halkasi ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Aroornimadii hore ee Saakay ay Ciidamo katirsan kuwa Al-Shabaab ay Weerar Xoogan kusoo qaadeen Saldhig Ciidamada Dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedka Koofur Galbeed ay ku leeyihiin Deegaanka Daynuunaay ee Gobolka Baay.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in Weerarka uu ahaa mid aad u xoogan oo la isku adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana la sheegay inuu ka dhashay Qasaare kala duwan oo Labada Dhinac soo kala gaaray walow ilaa hada aanan si rasmi ah loo xaqiijin karin inta uu gaarsiisan yahay Qasaaraha ka dhashay Dagaalka.

Al-Shabaab ayaa Barahooda Internetka ku sheegtay in Guulo ay ka gaareen Weerarka ay Saakay ku qaadeen Deegaanka Daynuunaay isla markaana ay la wareegeen Gacan Kuheynta Saldhiga Deegaankaasi.

Xigasho: Daafeed News

Leave a Reply