Wafdi Ka Socda Sacuudiga Oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho

 

08-06-2021

 

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Cabdixakiin Xasan Ashkir, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa Aqalka Fila Soomaaliya (Villa Somalia) ku qaabilay wafdigan.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wadahadleen, sidii uu Sacuudiga dib ugu furan lahaa Safaaradiisii Dalka.

“Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdixakiin Xasan Ashkir ayaa la kulmay Wafdi ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyagoo ka wadahadlay Xoojinta Xiriirka iyo Iskaashiga Labada Dal iyo dib u furista Safaaradda Sacuudiga ee Soomaaliya.” Ayaa lagu sheegay qoraalka.

Xigasho: Universal TV Somali

Leave a Reply