Madaxweyneyaashii Hore Ee Soomaaliya Oo Waraaq Cabasho Ah U Gudbiyay Wasiir Koowaad Rooble

 

08-06-2021

 

MUQDISHO – Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya Sharif Shiikh Axmed iyo Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Waraaq ay u direen Wasiir Koowaad Maxamed Xuseyn Rooble kaga hadlay Cabasho ay weli ka qabaan Xubno kamid ah Guddiyada Farsamada Doorashooyinka Labada Heer ah.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Idil News u sheegay in Labada Madaxweyne ay Wasiir Koowaad Rooble u sheegeen inay weli Guddiyada ku jiraan Xubno kamid ah Shaqaalaha Dowladda iyo kuwa Hay’adda NISA, aysana ku koobneyn Dadka ay Cabashada ka qabeen 34 xubnood ee la sheegay in Guddiyada laga saaray.

Dhanka kale, Qoraalka Cabashada ah ay Wasiir Koowaad Rooble ay u gudbiyeen Madaxdii Hore ayaa imaanaya Xilli Maalin kahor uu shaaciyay Murashax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo Shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho, in Guddiyada Farsamada Doorashooyinka ay weli ku jiraan Xubno kamid ah Hay’adda NISA, aysana ku kalsooneyn Turxaan Bixinta ay sheegeen inay sameeyeen Guddigii uu magacaabay Wasiir Koowaad Rooble.

Xigasho: Somali Weyn News

Leave a Reply