Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda Somaliland Ee Kasoo Baxay Gobolka Sanaag Oo Kulan La Qaatay Shacabka Gobolkaas

 

07-06-2021

 

HARGEYSA (SOLNA) – Munaasibad kooban oo ay ku kulmeen Xildhibaannada Golaha Wakiillada Gobolka Sanaag ee kasoo baxay Doorashadii 31 May iyo Dadweynaha Gobolkaasi ayaa lagu qabtay Deegaanka Taariikhiga ah ee Dayaxa.

Waxaa Munaasibaddan kasoo qaybgalay Mas’uuliyiinta Xisbiyada Qaranka, Madax Dhaqameedyo, Aqoonyahanno iyo Dhalinyaro.

Ugu horreyn waxa halkaasi ka hadlay Xubno isugu jiray Mas’uuliyiin, Aqoonyahanno iyo Madax Dhaqameed, kuwaasoo dhammaantood ku adkeeyay Xildhibaannada inay u midoobaan Horumarka iyo Wadajirka Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Qaar kamid ah qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa iyana sidoo kale ugu baaqay Xildhibaannada inay ka shaqeeyaan sidii Waxqabad Muuqda looga hirgelin lahaa Gobolkaasi, iyagoo sheegay in Waajibkoodii ahaa inay codeeyaan, inay guteen, isla markaana ay ka rabaan Xildhibaannada soo baxay sidii ay ugu shaqayn lahaayeen Dantooda.

Gebogebadii, qaar kamid ah Xldhibaannada oo halkaas ka hadlay ayaa ballanqaaday in intii Itaalkooda ah ay ka shaqaynayaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen dib u dhaca ku yimi Gobolka Sanaag, sida ay sheegeen Dadweynihii kasoo qaybgalay Munaasibaddaasi, waxaana ay Ilaahay ka baryeen inuu ku asturo Xilkaasi oo ay sida ugu habboon u gutaan.

Leave a Reply