Weerar Ka Dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose Iyo Qasaaro Ka Dhashay

 

07-06-2021

 

MARKA – Xubno la sheegay inay katirsan yihiin Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay Weerar Jidgal ah ku qaadeen Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidamo katirsan kuwa AMISOM, waxaana ka dhashay Qasaaro kala duwan.

Goobjoogaya ayaa waxey sheegeen in Xilli ay Kolonyada AMISOM ay marayeen Degaan u dhexeeya Magaalada Marka iyo Degmada Buulo Mareer, in lala eegtay Qarax Miino; kadibna uu dhacay Dagaal u dhexeeyo Ciidamada AMISOM iyo Al-Shabaab.

Dadka ku nool Degaanka Dagaalka uu ka dhacay ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen Dhawaqa Rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, balse aysan si rasmi ah u cadeyn karin Qasaaraha ka dhashay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada Weerarkaas, waxaana Warar lagu daabacay Baraha Internetka ee taageera Al-Shabaab lagu sheegay in Weerarkaas lagu dilay Hal Askari oo katirsan Ciidamada Uganda ee Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Marka laga soo tago Sheegashada Al-Shabaab ee ku aadan in Weerarka ka dhacay inta u dhexeysa Magaalada Marka iyo Degmada Buulo Mareer ay ku dileen Hal Askari oo katirsan Ciidamada Uganda, ayaa waxaa weli ka hadlin Saraakiisha Ciidamada AMISOM.

Xigasho: Radio Risaala

Leave a Reply