Qasaare Dhaawac Ah Oo Ka Dhashay Qarax Ka Dahacay Dugsi Sare Oo Ku Yaala Degmada Balcad

 

07-06-2021

 

BALCAD – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax ka dhacay Gudaha Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle, kaasi oo Jugtiisa laga maqlay inta badan Xaafadaha Degmadaasi.

Qaraxaas oo ahaa Miino nooca Dhulka la geliyo ee laga hago Meelaha fog-fog ayaa lagu aasay Afaafka hore ee Dugsi Sare ee ku yaalla Balcad, waxaana Dugsiga Sare ka socday Imtixaanka Fasalka 8aad ee Dugsiga Dhexe oo ay qaadeyso Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Dad ku sugan Balcad oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in Qaraxaas uu dhaawac kasoo gaaray oo kaliya Hal Askari oo katirsan Ciidanka Dowladda, isla markaana sugayay Amniga Iskuulka uu hortiisa Qaraxa ka dhacay.

Askariga ayaa la sheegay inuu gacan ka jabay, isagoona loo soo qaaday dhinaca Magaalada Muqdisho, si loogu daaweyo, mana jiro Qasaaro kale oo laga soo weriyay Qaraxaas ka dhacay Degmada Balcda.

Ardaydii ku jiray Gudaha Iskuulka ee u fadhiyay Imtixaanka Fasalka 8aad ayaa waxaa la tilmaamay inay ka argagaxeen Jugta Qaraxa, waxaana intaas kadib Ardeyda ay ka kala carareen Goobta, iyadoona halkaas ay tageen Ciidamo katirsan kuwa Maamulka Degmada Balcad.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Degmada Balcda ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle oo ay uga hadlaan Qaraxii ka dhacay Afaafka hore ee Dugsiga Sare ee uu ka socday Imtixaanka Fasalka 8aad oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle.

Xigasho: Hiiraan Weyn News

Leave a Reply