Imaaraadka Carabta Iyo Ergayga QM Oo Kulan Gaar Ah Ka Yeeshay Xaaladda Soomaaliya

 

07-06-2021

 

MUQDISHO – Danjiraha Imaaraadka Carabta u jooga Soomaaliya, Ambassador Maxamed Axmed Cuthmaan Al-Xamadi iyo Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Ambassador James Swan ayaa waxay Kulan gaar ah ka yeesheen Arrimaha Soomaaliya iyo sidii loo kordhin lahaa Iskaashigooda.

Kulankaasi wuxuu Shalay ka dhacay Xarunta Safaaradda Imaaraadka ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho, waxaana looga wada xaajoodeen sidii loo horumarin lahaa Iskaashiga Imaaraadka iyo Xafiiska QM ee Soomaaliya iyo Farsamada Wadajirka ee labada dhinac ku taageerayaan Nabadda iyo Deganaanshaha Soomaaliya.

Ambassador Maxamed Axmed Cuthmaan Al-Xamadi iyo Ergayga QM ee Arrimaha Soomaaliya, James Swan waxay kaloo ka wada hadleen waxa loogu yeero Qoddobo la xiriira Danaha Guud.

Danjire Al-xamaadi oo Kulankaasi ka hadlay waxa uu ku dheeraaday Qaddarinta uu James u fidiyey iyo sida uu u doonayo in loo xoojiyo Xiriirka Safaaradda Imaaraadka iyo Xafiiska Urur Gobaleedka IGAD ee Soomaaliya.

Ergayga QM ugu qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Ambassador James Swan waxa uu ku bogaadiyey Imaaraadka Dadaalkooda socda ee lag taageerayo Dadaalka socda ee Nabadda iyo Deganaanshaha Soomaaliya iyo Horumarinta Mashaariicda Samafalka ee ay ka fuliyaan guud ahaan Gobalada Soomaaliya.

Xigasho: Radio Dalsan

Leave a Reply