Waxaa Lagu Dhawaaqay Natiijada Doorashada Gobolka Maroodi-Jeex Ee Somaliland

 

06/06/2021

 

HARGEYSA – Waxaa lagu dhawaaqay Natiijada Doorashada Gobolka Maroodi-Jeex ee sida aadka ah loo sugayay, iyadoo Gobolka Maroodi-Jeex uu noqonayo Gobolkii ugu dambeeyay ee Natiijadiisa 20ka Xubnood aheyd Daboolka laga qaado.

20ka Xubnood ee Gobolka Maroodi-Jeex ayaa waxaa loogu kala guuleystey sida hoos ku qoran;

1) Xisbiga KULMIYE waxaa usoo baxay 8 Mudane.
2) Xisbiga WADANI waxaa usoo baxay 7 Mudane.
3) Xisbiga UCID waxaa usoo baxay 7 Mudane.

 

Golaha Wakiillada Somaliland ayaa wuxuu ka koobmaa 82 Xubnood, waxaana loogu kala guuleystey sida soo socoto: Xisbiga WADANI wuxuu ku yeelanayaa 31 Mudane halka Xisbiga KULMIYE iyo Xisbiga UCID ay Golaha Wakiillada Somaliland ay iyagane ku kala yeelanayaan 30 Mudane, iyo 21 Mudane.

Ugu dambeysti, Magacyada 20ka Xubnood ee laga soo doortay Gobolka Maroodi-Jeex isla markaana kamid noqonaya Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa waxey yihiin kuwa hoos ku qoran;

Xisbiga KULMIYE

1. Axmed Maxamed Maxamuud
2. Axmed Cabdi Muuse Cige
3. Cabdikariin Maxamed Muxumed
4. Yaxye Cabdillaahi Aamiin Ismaaciil
5. Xasan Saleebaan Dhuxul Laab-saalax
6. Maxamed Xuseen Jaamac Raamboo
7. Axmed Yuusuf Nuur Guruuje
8. Cabdillaahi Sh. Muxumed Axmed.

Xisbiga WADANI

1. Barkhad Jaamac Xirsi Batuun
2. Axmed Dayib Aadan Guuleed (Ku caddeeye)
3. Siciid Maxamed Ismaaciil Diiriye ”Sokeeye”
4. Jamaal Aadan Diiriye Ciise
5. Eng. Axmed Cabdi Ibraahin Cige
6. Xuseen Ismaaciil Jaamac Xirsi Budul
7. Ibraahin Maxamed Jaamac.

Xisibiga UCID

1.Cabdinaasir Yuusuf Cismaan
2. Maxamed Khadar Daahir Mooge
3. Maxamed Jaamac Ismaaciil
4. Maxamed Cismaan Maxamed
5. Maxamed Xasan Siciid

Isha Warkan: Jowhar News

 

Leave a Reply