Guddoomiye Kuxigeenka Labaad Ee Xisbiga KULMIYE Oo Ka hadlay Isbahaysiga Ay Xisbiyadda Mucaaridka Ahi Ku Dhawaaqeen

 

06/06/2021

 

HARGEYSA (SOLNA) – Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Xisbiga Taladda Dalka haya ee KULMIYE Axmed Cabdi Dheere ayaa ka hadlay Doorashooyinkii isku sidkanaa ee Wakiiladda iyo Degaanka ee dhowaan ka dhacay Somaliland iyo Isbahaysiga ay Xisbiyadda Mucaaridka ah ee Somaliland Maanta ku dhawaaqeen.

Guddoomiye Kuxigeenka Labaad Axmed Cabdi Dheere ayaa sheegay in Doorashooyinkan isku sidkani ay ahaayeen kuwo Dhif iyo Nadir ah, waxaanu tilmaamay in ay ka tilmaanayd Doorashooyinkii kala duwanaa ee Afrika iyo Caalamkaba ka dhacay oo ay ahayd mid taariikhi ah.

Waxa uu sidoo kale Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere u mahadceliyey Shacabka Reer Somaliland oo uu uga mahadceliyey sidii ay Safafka Dhaadheer ugu galeen Doorashooyinkaas isku sidkanaa ee Wakiiladda iyo Degaanka ee dhowaan ka dhacay Somaliland iyo Diwaangelintii ka horeysayba, waxaanu cadeeyey in Ciidamada kala duwan ee Qaranka Somaliland, Shacabka Somaliland iyo Xukuumadda Somaliland-ba ay gacmaha isu qabsadeen Doorashooyinkaas quruxda badan ee Dalka ka dhacay.

Guddoomiyaha Labaad ee Xisbiga Taladda Dalka haya ee KULMIYE Axmed Cabdi Dheere ayaa sidoo kale sheegay in Doorashaddani ay ahayd mid ka duwanayd Doorashooyinkii hore, isla markaana Caalamka iyo Afrikaba ay ahayd Doorashadii ugu horeysay ee aanay Xisbiyadda Mucaaridka ahi wax Cabasho ah keenin, taasina ay sabab u tahay halka ay Xukuumadda Somaliland iska taagtay.

Guddoomiyaha Labaad ee Xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere oo ka hadlay Isbahaysiga ay Maanta Labada Xisbi Mucaarid ee WADDANI iyo UCID ku dhawaaqeen, ayaa sheegay in ay Xaq u lee yihiin, madaama oo ay Xisbiyo Mucaarid ah yihiin, Dalka Somaliland-na uu Dimuqraadi yahay; waxaanu cadeeyey in ay wax walba kala weyn tahay Xisbiga KULMIYE, Guusha ay Somaliland gaadhey Mucaarid iyo Muxaafidba.

Leave a Reply