Qarax Ka Dhacay Ekis Kontarool Afgooye (Ex Control Afgoye)

 

05-06-2021

 

AFGOOYE – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax ka dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid weyn ayaa la sheegay inuu ka dhacay Ekis Kontarool Afgooye (Ex Control Afgoye)
.
Dadka ku dhaqan Deegaanka ayaa sheegay inay maqleen Jug Culus oo Qaraxa ah, kaddibna ay arkeen Goobta oo Dad laga qaadayo.

Ilaa iyo hadda siddeed Qof ayaa la sheegay inay Qaraxaas ku dhaawacmeen, waxaana qaarkood loo qaaday Isbitaalka Weyn ee Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa Miino Dhulka la geliyay iyadoo aysan wali wax faahfaahin ah ka bixin Taliska Booliiska Soomaaliya.

Xigasho: Radio Kulmiye

Leave a Reply