Faahfaahino Kasoo Baxaya Dagaal Dhexmaray Ciidamada Haramcad Iyo Al-Shabaab

 

05-06-2021

 

BALCAD – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dagaal Xoogan oo Xalay ka dhacay Ekis Koontarool (Ex-Control) Balcad ee Magaalada Muqdisho, kaasoo u dhexeeyay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada Al-Shabaab ay weerar xoogan kusoo qaadeen Fariisin ay Ciidamada Haramcad ku leeyihiin Ekis Koontarool (Ex-Control) Balcad, kuwaas oo u Xil-saaran ilaalinta Amaanka Dhismha Wadada xariirisa Muqdisho iyo Jowhar.

Dagaalka Xalay dhexmaray Haramcad iyo Al-Shabaab ayaa la sheegay inuu socday Muddo ka badan 20 Daqiiqo, waxaana la isku adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan oo Dadka Shacabka ah Hurdada u diiday.

Lama oga Qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Dagaalka Xalay dhexmaray Ciidamada Haramcad iyo kuwa Al-shabaab, mana jirto ilaa hadda wax War ah oo kasoo baxay Labada Dhinac oo xaqiijinaya Qasaaraha ka dhashay Weerarkii Xalay dhexmaray.

Xigasho: Hiran Online

Leave a Reply