Gal-Mudug Oo Joojisay In Qaadka La Geeyo Deegaanadda Maamulkaasi

 

04-06-2021

 

DHUUSAMAREEB – Wasaaradda Maaliyadda Maamul Goboleedka Gal-Mudug ayaa markale amar ka soo saartay Qaadka yimaada Degaanada Gal-Mudug, iyadoo Wasaaraddu ugu yeertay Ganacsatada Qaadka ka soo dajiya Garoomada Diyaaradaha inay iska soo diiwaan galiyaan Xafiiska Wasaaradda Maaliyadda, Cidii qaadan waydana ay Dowladdu tilaabo ka qaadayso.

Dhanka kale Wasaaradda Maaliyadda ayaa joojisay Qaadka Dhulka ku yimaada Degaanada Gal-Mudug.

Warqaddaan ayaa waxaa ku saxiixan Wasiir Ku-xigeenka Wasaradda Maaliyadda Gal-Mudug Muqtaar Cali Cusmaan.

Leave a Reply