Ciidanka Asluubta Ayaa Laga Qaaday Goobihii Ay Ka Joogeen Waddada Hormarta Kawaanka Malaayga

 

04-06-2021

 

MUQDISHO – Dowladda ayaa ka qaaday dhammaan Ciidankii Asluubta ee ku sugnaa Xarumo Dowladeed oo ku yaalla Degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir, waxaana ay ku wareejisay Ciidamo Boolis ah kadib markii dhowr mar ay rasaaseeyeen Masuuliyiin Dowladdeed.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa geeyay Ciidamo suga Ammaanka Barihii Hubinta ee Ciidanka Asluubtu ka joogeen Waddada hormarta Kawaanka Malaayga, Maxkamadaha, Xabsiga Dhexe iyo Dekadda Weyn, waxaana laga qaaday Ciidankii horey u joogay.

Ciidankii Asluubta ayaa loo badalay Goobo kale oo ku yaalla Magaalada Muqdisho, waxaana dhammaan Kontorooladaasi ilaalin doona Ciidanka Booliska.

Ciidanka Asluubta ayaa horay u xabadeeyay Nabadoono, Madaxweynehii Hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xubno Dowladeed, waxaana lagu eedeeyay Xadgudubyo.

Xigasho: Radio Risaala

Leave a Reply