Baarlamaanka Denmark Oo Ansixiyay Sharci Lagu Masaafurinayo Dadka Magangalyo-doonka Ah

 

04/06/2021

 


Denmark | Sawir: Reuters

 

COPENHAGEN – Baarlamaanka Waddanka Denmark ayaa ansixiyey Sharci Waaxda Socdaalka u oggolaanaya in ay u mustaafurin karto Dadka Magangelyo-doonka ee ku sugan Dalkooda, kuwaas oo ka yimid Waddamada ka baxsan Yurub.

Hay’adaha u dooda Dadka Qaxoontiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay in Copenhagen ay laasho Xeerarkaas.

Xeerkan waxaa riixayey Xisbiga diidan Dadka Magangelyo-doonka ah Megen ee ay hoggaamiso Ra’isul Wasaaraha Dalkaas Mette Frederiksen.

70 xildhibaan ayaa Sharcigan u codeeyey, halka ay diideen 24 Xildhibaan Khamiistii.

Warbixin Amuurtaasi ku saabsan waxa Magaalada London inooga soo diray wariyaha VOA-da Qaarada Yurub Abdihafid Awil Ismail.

 DHAGEYSO Baarlamaanka Denmark oo ansixiyay sharci lagu masaafurin karo dadka magangalyo doonka ah

Xigasho: VOA Somali

Leave a Reply