Ra’iisul Wasaare Rooble Ayaa Booqday Magaalada Jowhar, Oo Muddo Bil Ah Go’doonsan

 

03-06-2021

 

JOWHAR – Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle oo muddo bil ah ay biyo go’odoomiyeen.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa imanaysa iyadoo muddo bil ah Magaalada Jowhar ay Saddex Jiho ay Biyo ugaga hareereysan yihiin, ayna Maciishada Nolosha sare u kacday.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Gargaarka ee Dowlada Federalka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Warfaafinta iyo Mas’uuliyiin kale.

Maamulka Hir-Shabelle ayaa waxa uu dhowaan ku eedeeyay Dowlada Federalka inay iska indho tirayso Dhibaatada ka dhalatay Fatahaadaha Wabiga Shabelle, ayna hakisay Dhaqaale ay Wadamo kamid ah Caalamka ay ugu deeqeen Wax Ka Qabashada Fatahaadaha.

Kumanaan Qoys ayaa ku barakacay Fatahaad ka dhalatay Wabiga Shabelle horaantii Bishii aynu ka soo gudubnay iyadoo sidoo kale Fatahaaduna ay baabi’isay Kumanaan Hekter oo ay Dalagyo kala duwan ku abuurnaayeen.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabelle Cali Cabdulaahi Xuseen oo Shalay soo gaaray Magaalada Jowhar, ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku soo dhoweeyay Magaalada Jowhar, iyadoo diyaarad helikabtar ah ay ka soo dejisay Ra’iisul Wasaaraha Saldhig ay Ciidamada AMISOM ku leeyihiin dhinaca Bari ee Magaalada Jowhar.

Xigasho: Jowhar News

Leave a Reply