Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Oo Dib U Bilaabay Ololihiisa Doorashada

 

03-02-2021

 

MUQDISHO – Kadib markii dhawaan Heshiis Rasmi ah laga gaaray Arrimaha Doorashooyinka oo in Muddo ah uu Muran ka taagnaa Heshiiskaas oo ay si wadajir ah u wada saxiixeen Madaxda Shanta Maamul Goboleed, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa waxaa Magaalada Muqdisho laga dareemaya u diyaargarowga Ololaha Doorashada iyo Kulamo looga hadlaayo Arrimaha Doorashada.

Kulamada Ololaha Doorashada ayaa waxaa wada Murashixiinta u taagan Qabashada Xilka Madaxtinimo ee Dalka, kuwaas oo markii hore Cabasho ka muujiyey Hanaanka ay Dowladda Soomaaliya u martay Doorashada kadib markii uu Madaxweynaha Waqtigiisu Dhamaaday uu magacaabay Guddi Doorasho oo Muran badan dhaliyey.

Murashixiinta durba bilaabay Ololaha Doorashada waxaa kamid ah Murashax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kaas oo dib u soo dhejiyey Boorarkii Ololaha Doorashada.

Bil kahor ayey ahayd markii uu sheegay Hoggamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame in uu hakiyey Ololihii Doorashada, dejiyeyna Boorarkii ay ku sawirnaayeen Sawirada iyo halku dhigyada uu uga qeybgalaayo Doorashada kaddib markii Madaxweynaha Waqtigiisu Dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ku dhawaaqay Labo Sanno oo Muddo Kororsi ah inkastoo markii danbe ay ka laabteen Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in Xukuumadiisu ka shaqeyn doonto Doorasho Hufan oo Dalka ka dhacda kadib markii Heshiis laga gaaray Doorashooyinka Dalka, iyadoona Maamul Goboleedyada qaar iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ay Ra’iisul Wasaare Rooble u soo gudbiyeen Guddiyada Doorashooyinka iyo Xalinta Qilaafaadka.

Xigasho: Hiiraan Weyn News

Leave a Reply