Dagaalo Culus Oo Ka Dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe Iyo Taliyahii Ururka 60aad Oo Ku Dhintay

 

03-06-2021

 

Warar naga soo gaaray Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegayo Dagaal Xoogan oo ka socday Deegaanka Warciise oo katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe in lagu dilay Taliyahii Ururka 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Koloneel Maxamed Cabdiwahaab.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa xaqiijiyay Dhimashada Taliyaha, islamarkaana sheegay inuu ku geeriyooday Dagaal Galabta dhacay.

Todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa Gobolka Shabeellaha Dhexe ka socday Dagaalo Culus oo u dhexeeyay Al-shabaab iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeyay ee laga helayo Deegaanka Warciise oo ay Galabta Dagaalada Culus ka dhaceen, ayaa sheegaya iney Gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Xigasho: Hiran Online News

Leave a Reply