Wasiirka Cadaaladda Oo Sheegay In La Baarayo Rasaaseyntii Xasan Sheekh Maxamuud

 

02-06-2021

 

MUQDISHO – Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya, Cabadiqaadir Maxamed Nuur ayaa Shil ku tilmaamay Dhacdadii Galabta lagu rasaaseeyay Gaadiidkii uu la socday Madaxweynihii Hore ee Dalka, Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka ayaa sheegay inay ka xun yihiin is rasaaseynta ka dhacday Agagaarka Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, isla-markaana ay ka raali gelinayaan Madaxweynihii Hore ee Dalka.

Wasiirka Cadaaladda ayaa Shir Jaraa’id ka sheegay in la baarayo Dhacdada ka Gacan Hadalka ee ka dhacday Kontoroolka laga ilaaliyo Hay’adaha Garsoorka iyo Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ka barbar hadlayay Wasiirka ayaa Dhacdadaasi ku tilmaamay Fal aan ku talagal ahayn, isla-markaana aan u wanaagsanayn Ciidan isku hadaf ah.

Taliyaha oo xoojinaya Hadalka Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in la baarayo waxa keenay Isku Dhacaasi.

Gaadiidkan uu la socday Murashax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayay Ciidanka Asluubta ku rasaaseeyeen Agagaarka Wadada horumarta Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, halkaasoo ay Bar Kontorool ku leeyihiin.

Ma jirto Cid wax ku noqotay Dhacdadaasi, sida ay xaqiijiyeen Masuuliyiinta.

Xigasho: Universal TV Somali

Leave a Reply