Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya Oo Ka Hadlay Xiriirka Soomaaliya Iyo Kenya

 

02-06-2021

 

MUQDISHO – Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa ka hadlay Xiriirka u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Kenya.

Maxamed Cabdirisaaq, Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in uu socdo Dadaalo sare loogu soo qaadayo Xiriirka ka dhexeeya Labada Wadan ee deriska ah.

“Waxaa aan kuu xaqiijinayaa in uu jiro Dedaal lagu doonayo in sare loogu qaado Xiriirka Labada Dal balse Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay ilaaliso Xoriyadeeda,” ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo u waramayay Warbaahinta Dowladda.

Warka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli ay Dowladda Kenya ku hanjabtay inay joojineyso Duulimaadyada ay Haya’daha Samafalka adeegsadaan iyadoo hore Duulimaadyada u dhexeeyay Labada Dal ay u joogsadeen.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa go’ay Bishii Disheembar 2020kii, waxa ayna Xukuumadda Soomaaliya u yeertay Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, halka kii Kenya-ne ee Muqdisho dib loogu celiyay Dalkiisa. Hase yeeshee, markii uu booqasho ku yimid Soomaaliya Ergay ka socday Dowladda Qadar, ayaa waxey Dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday inay dib u soo celisay Xiriirka Labada Dal.

Xigasho: Jowhar News

Leave a Reply