Madaxweynaha Somaliland Oo La Kulmay Madaxweynihii Hore Ee Dalka Siira Liyoon (Sierra Leone)

 

02/06/2021

 

HARGEYSA – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu Maanta kulan gaar ah ku qaabilay Madaxweynihii Hore ee Dalka Siira Liyoon (Sierra Leone) Mr. Ernest Bai Koroma oo kamid ahaa Wufuuddii Caalamiga ahaa ee Goobjoogayaasha ka ahaa Doorashooyinkii Wakiillada iyo Deegaanka ee Dalka ka qabsoomay 31ka Bisha May 2021.

Madaxweynaha Somaliland ayaa ku bogaadiyey Madaxweynaha Hore ee Siira Liyoo (Sierra Leone) Imaansha uu ku yimid Somaliland ee uu ku soo taabtay Xaqiiqadda Dhabta ah ee ka jirta ee Dhinacyada Horumarka, Nabadgelyada, Dimuqaraaddiyadda, Wada-noolaanshaha, Wada-jirka Shacbiga iyo Xukuumadda.

Madaxweyne Ernest Koroma waxa uu xusay in uu Indhihiisa ku soo arkay Bulsho Bisil oo waayo arag u ah Arrimaha Doorashooyinka oo Safaf Dhaadheer ugu jira sidii ay Codkooda u dhiiban lahaayeen iyagoo kala aragti duwan oo kala Xisbiyo ah.

Waxaanu Madaxweynaha soo gaadhsiiyey Warbixinta ay soo saareen Goobjoogayaasha Doorashooyinka Isku-sidkan ee Wakiilada iyo Deegaanka ee Dalka ka qabsoomay Isniintii ina dhaaftay.

Kulankan oo gaar u ahaa Labada Madaxweyne, ayaa ahaa mid ay ku lafo gureen Qodobbo dhawra oo ay ugu muhiimsanaayeen Arrimaha Qaaradda Afrika.

Ugu danbayntiina, Madaxweynuhu waxa uu Madaxweynaha Hore, mid-mid u dul geeyey Sawirrada Madaxweyneyaashii soo maray Somaliland iyo kuwo kale oo ka turjumaya Taariikhda Somaliland oo ay ka mid yihiin Qalcadda Taariikhiga ah ee Talleex iyo Goobo kale oo muhiimad gaar ah leh.

Xigasho: Radio Risaala

Leave a Reply