Madaxweynaha Itoobiya Oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Guddoontay Danjiraha Soomaaliya

 

02-06-2021

 

ADDIS ABABA – Madaxweynaha Dowladda Itobiya Sahle Work Zewde ayaa Warqadaha Aqoonsiga si rasmi ah uga guddoontay Danjiraha Cusub ee Dowladda Soomaaliya u fadhin doona Dalkaasi Itoobiya Danjire Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilka Jiir.

Munaasabaddan ayaa ka qabsoontay Aqalka Madaxtooyada Itoobiya ee Caasimadda Addis Ababa, waxaana ka qaybgalay Mas’uuliyiin kala duwan oo katirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya iyo Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Addis Ababa.

Kadib markii Danjiraha Cusub laga guddoomay Warqadaha Aqoonsiga ayuu sirasmi ah ugu gudbay una fariistay Xafiiskiisa Cusub ee Safaaradda, halkaas oo ay ka dhacday Munaasabad kooban oo Howl-wadeenada Safaaradu ay ku soo dhaweynayeen Safiirka Cusub ee Soomaaliya u joogi doona Dalkaasi Itoobiya.

Xigasho: Radio Muqdisho

Leave a Reply