Doorashada Somaliland: Natiijooyin Horudhac Ah Oo La Shaaciyey

 

02/06/2021

 


Madaxweyne Muuse Biixi oo codeynaya | Photo: Somaliland Presidency (Facebook)

 

HARGEYSA – Tirinta Codadka Doorashadii 31-kii May ka dhacday Somaliland ayaa wali socota iyadoo qaar kamid ah Degmo Doorashooyinka laga soo saaray Natiijo hordhac ah.

Degmo Doorashooyinka Natiijadooda la shaaciyey ayaa waxaa kamid ah Salaxlay, Gar adag, Xudun Saylac iyo Lughaya.

Wararkii ugu dambeeyey ee Doorashada waxaa Hargeysa kasoo diray Weriyaha VOA Khadar Maxamed Cakulle.

Dhinaca kale, waxaa lagu dhawaaqay Natiijada horudhaca ah ee Doorashada qaar kamid ah Degmooyinka Gobolka Awdal. Wariyaha VOA-da uga soo warama Boorama Haashim Sheekh Cumar Goth ayaa warbixintan soo diray.

DHAGEYSO Natiijooyinka qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Awdal

Sidoo kale natiijada golayaasha deegaanka ee magaalada Laascaanood ayaa ayagana lagu dhowaaqay. Jaamac Cabdiwali Cali oo ah guddoomiyaha doorashada degamada Laascaanood ayaa ku dhawqay xubnaha golaha deegaanka ee cusub ee Laascaanood.

DHAGEYSO Natiijada golayaasha deegaanka Laascaanood

 

Xigasho: VOA Somali

Leave a Reply