Raysal Wasaare Rooble Oo Midowga Murashaxiinta Ka Guddomay Liiska Xubnaha Ay Cabashada Ka Yihiin

 

01-06-2021

 

MUQDISHO – Raysal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay Xubno katirsan Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ka guddoomay Liis ay kasoo gudbiyeen Xubnaha ay Cabashada ka qabaan ee ku jira Guddiga Doorashada Labada Heer.

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinaayay Mudane Cabdikariin Guuleed ayaa ayaga oo ka socday Golaha Midowga Musharaxiinta waxay Raysal Wasaare Rooble ka dalbadeen inuu si deg deg ah uga falceliyo Cabashada ay u gudbiyeen Xubnaha ku jira Guddiga Doorashada.

Raysal Waasaare Rooble ayaa dhankiisa u balan qaaday Midowga Musharaxiinta inuu wax ka qaban doono Cabashadooda, Baaritaan dhab ah oo cadeymo lehna lagu sameyn doono Cabashada ay kasoo gudbiyeen Xubnaha kamid ka ah Guddiga Doorashada Dalka.

Dhawaan ayay aheyd markii uu Raysal Wasaare Rooble uu magacaabay Guddi ka kooban Heer Wasiiro oo Xaqiijin iyo Cadeyn ku sameeya Cabashada laga soo gudbinayo Xubnaha katirsan Guddiga Doorashooyinka, si looga gudbo Tabashada laga qabo.

Xigasho: Hiran Online

Leave a Reply