Madaxweynehii Hore Ee Soomaaliya, Shariif Sh. Axmed Oo Ka Madlay Maalinta Dhalinyarada Soomaaliya

 

15-05-2021

 

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Shariif Shiikh Axmed ayaa wuxuu ka hadlay Xuska Sanadguuradii 78aad ee Maalinta Dhallinyarada Soomaaliya oo ku beegan Maanta oo ah 15tii Maajo, 2021.

Qoraal uu soo saaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ayaa wuxuu ku sheegay in Dhalinyarada ay Udub-dhexaad u ahaayeen Xoreynta Dalka, isagoona Dhalinyarada ku tilmaamay inay weli yihiin Tiirka ay ku taagan tahay Dowladnimada, uguna hambalyeeyay Xuska 15ta Maajo.

“Waxaan bogaadinayaa dhallinyarada Soomaaliyeed xuska munaasabadda sanadguurada 78-aad ee aasaaskii ururkii gobannimo doonka ahaa ee SYL oo maanta ku beegan. Dhallinyaradu waxay udub dhexaad u ahaayeen xoreynta dalkeenna, walina waa tiirka ay ku taagan tahay dowladnimadeenna, marka la eego sida ay uga muuqdaan Ciidanka Xoogga Dalka, shaqaalaha rayidka ah iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada,” ayuu yiri Madaxweynehii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta.

Xigasho: Jowhar News

Leave a Reply