Ismaaciil Cumar Geelle Oo Maanta La Caleemo-saarayo

 

15-05-2021

 


Ismael Omar Guelleh

 

JABUUTI (DJIBOUTI) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti (Djibouti) Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Maanta markii Shanaad loo Caleemo-saarayaa Xilka Madaxweynaha, kaddib markii uu ku guuleystay Doorashadii Madaxtinimada ee Bishii hore ka dhacay Dalkaas.

Wariyaha VOA ee Dalka Jabuuti (Djibouti) Ramadan Muuse oo ku sugan halka ay ka dhaceyso Xafladda Caleemo-saarka Madaxweyne Geelle ayaa soo sheegaya inay ka soo qeybgalayaan Xafladdan Marti Sharaf ay ka mid yihiin Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Ra’isul Wasaareyaasha Dalalka Itoobiya iyo Ruwaanda (Rwanda) Abiy Ahmed iyo Edouard Ngirente, Madaxweynaha Gunni (Guinea) Alpha Conde, Madaxweyne Ku-xigeenka Suudaanta Koofureed (South Sudan) iyo Xubno Sare oo ka socda Dalalka Ugaanda (Uganda), Bakistaan (Pakistan), Turkiya (Turkey), Sucuudiga (Saudia), iyo Faranse (France).

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa helay 98.41% Codkii Dadweynaha Reer Jabuuti Doorashadii Bishii Abril (April), waxaana la tartamay Gacansade Zakariye Ismaaciil Faarax oo helay 1.59% Tirada guud ee Doorashadaas.

Madaxweyne Geelle oo 73-jir ah ayaa dalka Jabuuti soo xukumayay tan iyo sanadkii 1999.

Xigasho: VOA Somali

Leave a Reply