Halgameyaashii Ka Dambeeyay Dhisitaanka Ururka Dhalinyarada Soomaaliya Ee Maanta U Dabaaldegayo Sanadguuradii 78aad

 

15-05-2021

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Ururka Dhalinyarada Soomaaliya waxaa si rasmi ahaan ah loo dhisay Maalin Sebdi ah oo ay Bisha Maajo tahay 15, Gugana yahay 1943dii; Maantana waa Sebdi oo ay kasoo wareegatay 78 Guggood.

Maskaxihii ka dambeeyay ayaa waxey ahaayeen Halgameyaashii Gobanimo Doonka oo ay ugu horeeyeen Hagame Cabdullaahi Ciise Maxamuud, Halgame Aadan Cabdulle Cismaan, iyo Halgame Shi Cali Jimcaale Baraale; waxeyna Gumeysigii Itaaliya ay u degeen Shaxda soo socoto:

1) Waxey la kulmeen Dhalinyaro Soomaali oo daacad ahaa, waxeyna ku war-geliyeen iney doonayeen iney dhisaan Ururka Dhalinyarada Soomaaliya; asiise ay magacyadooda (Cabdullaahi Ciise Maxamuud, Aadan Cabdulle Cismaan, iyo Shi Cali Jimcaale Baraale) ku dhisi karin Duruufo Jiro Awgood.

2) Dhalinyarada waa ay ogolaadeen Codsiga Halgameyaasha ay usoo jeediyeen.

3) Waxey Dhalinyarada iyo Halgameyaasha ay bilaabeen Kulamo ay yeelanayaan Xilliyada Shaqada laga soo baxo, isla markaana ay Kulamadooda ay uga hadlayaan sidii loo bilaabi lahaa Dhaq-dhaqaaq Gobanimo Doon ah.

4) Waxey Halgameyaasha ((Cabdullaahi Ciise Maxamuud, Aadan Cabdulle Cismaan, iyo Shi Cali Jimcaale Baraale) ay Dhalinyarada usoo jeediyeen in la dhiso Wadaayad (Naadi ama Jaaliyad), looguna magac daro Wadaayadda Dhalinyarada Soomaaliya (Circolo dei Giovani Somali: Somali Youth Club [SYC]).

5) Waxaa si wadajir ah Dhalinyarada iyo Halgameyaasha ay go’aansaday in la yeesho Kulamo Joogto ah oo looga arrinsanayo sidii looga madaxbanaan lahaa Gumeysigii Itaaliya.

Gumeysii Itaaliya waxaa uu arkay Kulamada ay yeelanayaan Dhalinyarada Soomaaliya iyo Halgameyaasha Dahsoon sida Cabdullaahi Ciise Maxamuud, Aadan Cabdulle Cismaan, iyo Shi Cali Jimcaale Baraale, waana uu kasoo kor-dhacay.

Wuxuu weydiyay “Waxa ay yihiin Kulumada” .

Waxey u sheegeen “In Kulumada ay kuwada sheekeysanayaan isla markaana ay ku wada shaahayaan”.

Hubaashii, waxey ka qarinayeen Xogtooda ku aaddaneed Gobanimo Doonka.

Waxaa la dhisay Guddiga Ururka Dhalinyarada Soomaaliya oo ka koobmay 13 Qofood, iyadoo lala kaashaday Culimaau’ Diin isla markaana loo fiirin (Loo eegin) Beelaha (Qabilka) ay kasoo jeedeen.

Maskaxaha ay ku howgaleyeen 13 Xubnood ee Ururka Dhalinyarada Soomaaliya, waxaa lahaa Halgameyaasha Dahsoon oo Wagaasi lahaa Aqoon Sare. Sidaasi darteed, waa in la wada xusaa Guddigii 13 Qofood ee Ururka Dhalinyarada Soomaaliya iyo Halgameyaashii ka dambeeyay Dhisitaanka Ururka Dhalinyarada Soomaaliya kol-hadii ay Dalka Soomaaliya u wada horseedeen Madaxbanaanidii 1dii Luuliyo, 1960kii.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka caalamka, gaar ahaana Wararka Dalka Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Dalka Somaliland, Dalka Jabuuti, Degaanka Soomaali Galbeed, iyo Degaanka NFD (Northern Frontier Districts).

 

Leave a Reply