Taliye Kuxigeenka Booliska Baa Gaaray Magaalada Gaalkacyo

 

14-05-2021

 

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, dhinaca Maamul Goboleedka Gal-Mudug ayaa waxaa gaaray Ergo uu hoggaaminayay Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Dowladda Soomaaliya Jen. Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif).

Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo ayaa waxaa Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Dowladda Soomaaliya kusoo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Gal-Mudug, Mas’uuliyiinta Degmada iyo Saraakiil kale.

Ujeedka Socdaalka Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Dowladda Soomaaliya Jen. Kaniif ee Gaalkacyo ayaa waxaa uu yahay Xal ka gaarista Qalalaaso ka dhashay Dilkii dhawaan halkaas loogu gaystay Sheekh Cali Axmed Faarax (Sheekh Cali Dheere) oo la tilmaamay inuu ahaa Samafale.

Sidoo kale, inta uu Taliye Kuxigeenka ku sugan yahay Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaatan doonaa Saraakiisha Ciidanka Booliska Maamul Goboleedka Gal-Mudug iyo Mas’uuliyiinta Magaalada Gaalkacyo.

Si kastaba ha ahaatee, Rag katirsan Ciidanka ayaa Maalmo kahor Gaalkacyo ku dilay Sheekh Cali Axmed Faarax kadib markii ay afduubteen, waxaana Gal-Mudug ay sheegtay inay wadaan Baaritaano ku aadan Falkaasi dhacay, iyaga oo Guddi u saaray Baarista Dhacdada.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa Shalay ka dhacay Banaanbaxyo looga cabanayay Arrintan.

Xigasho: Wardoon

Leave a Reply