Ra’iisul Wasaare Rooble Ayaa Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyey Jabuuti (Djibouti)

 

14-05-2021

 

MUQDISHO (SONNA) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Jabuuti (Djibouti), halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Dhiggiisa Jabuuti (Djibouti) Maxamed Cabdulqaadir Kaamil, Wasiirro iyo Mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka qeyb galaya Caleemo Saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti (Djibouti) Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Leave a Reply