Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Jabuuti (Djibouti)

 

14/05/2021

 

DJIBOUTI (SOLNA) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Waftigii uu hoggaaminayey oo gaadhay Dalka Jabuuti (Djibouti), markii ay soo cago-dhigteen Madaarka Xunbuli ee Caasimadda Jabuuti waxa ku sugayey kuna soo dhaweeyey Ra’iisal Wasaaraha Jabuuti Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed oo ku qaabiley Habmaamuska Madaxweyneyaasha Dalkaas Socdaalka ku yimaadda.

Waxaanay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti (Djibouti) oo ay weheliyaan Wasirro katirsan Xukuumadaha Somaliland iyo Jabuuti (Djibouti) ay Wakhti kooban ku wadda qaateen Qolka Madaxdu ku nasato ee Madaarka, kadibna Madaxweynaha iyo Waftigii la socday waxaa loo galbiyay Qasriga ay Hoggaamiyaasha Dunida ka socdaa degaan oo ay ku sugan yihiin Madax kala duwani oo ka soo qayb-galay Caleemo Saarka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Waxaana Safarka Madaxweynaha iyo Weftigiisa Warbixin ka bixiyey, Wasiir Kuxigeenka Ariimaha Dibadda ahna Kusimaha Wasiirka Arrimaha Dibeda Mudane Liibaan Yuusuf Cismaan.

Leave a Reply