Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Gal-Mudug Ayaa Gaaray Magaalada Cadaado

 

14-05-2021

 

CADAADO – Xaruntii hore ee Dowlad Goboleedka Gal-Mudug oo aheyd Magaalada Cadaado, ayaa waxaa Maanta Socdaal Dhulka ah ku gaaray Ergo uu hogaaminayey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Gal-Mudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), kadib markii ay kasoo socdaaleen Xarunta Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ee Dhuusamareeb.

Qoorqoor iyo Ergadii uu horkacayay, ayaa waxaa Magaalada Cadaado kusoo dhaweeyay Masuuliyiinta Maamulka Degmada Cadaado, Odoyaasha Dhaqanka, iyo qeybaha kala duwan ee Bushada Magaalada Cadaado.

Socdaalka uu Madaxweynaha iyo Ergada uu horkacayabba ay ku yimaadeen Cadaado, ayaa waxaa ka-qeyb ah sidii loo dhameyn lahaa Xiisado Colaadeed oo ka dhacay qaar kamid ah Degaannada Dowlad Goboleedka Gal-Mudug, waxaana lagu wadaa iney usii gudbaan Magaalada Gaalkacyo.

Qoorqoor ayaa lagu wadaa in uu Todobaadka soo socdo, uu usii gudbo Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho, si uu uga qeybgalo Shirka Arrimaha Doorashooyinka ee Muqdisho ka furmaya 20ka Bishaan Maajo ee 2021da.

Isha Warkan: Keyd Media

Leave a Reply