Munaasibada Ciidal Fidriga Oo Si Wayn Looga Xusay Dhammaan Gobolada Dalka Somaliland

 

13/05/2021

 

HARGEYSA (SOLNA) – Munaasibada Ciidal Fidriga ayaa si wayn looga xusay dhamaan Gobolada Dalka, iyadoo Dadweynahana ay tukashada Salaada Ciidal Fidriga ay kala qayb galeen Masuuliyiin kala duwan oo kamida Madaxda Qaran, sida ay ku soo waramayaan Wariyeyaasha Wakaaladda Wararka (SOLNA) uga soo warama Magaalooyinka Boorama, Burco, Berbera, Ceerigaabo, Laascaanood iyo guud ahaan Degmooyinka hoos yimaada Gobolada Magaalooyinkaasi ay Xarumaha u yihiin.

Waxa Dadweynahaas tukashadii Salaadda Ciida kala qayb-galay Masuuliyiin katirsan Xukuumadda Dhexe iyo Masuuliyiinta Goboladaas, kuwa Degmooyinka kala duwan, waxaanay ku hambalyeeyeen Munaasibada Ciidal Fidriga awgeed, iyagoo u rajeeyay in Ciidan teeda kale ay ku gaadhaan Caafimaad iyo Nabad-gelyo.

Gobolka Awdal waxa tukushada Salaada Ciida, Dadweynaha Magaalada Boorama kala qayb galay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Dal-xiiska iyo Wershadaha Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), Wasiirka Wasaaradda Beeraha Axmed Muumin Seed, Xoghayaha Gobolkaas iyo Masuuliyiin kale.

 

Leave a Reply