Magaalada Muqdisho Iyo Gobolada Dalka Ayaa Maanta Si Weyn Looga Ciidayaa

 

13-05-2021

 

MUQDISHO – Maanta oo Khamiis ah Taariikhduna tahay 13ka Bisha Maajo 2021, waxaa si weyn looga Ciidayaa Dalka Soomaaliya iyo Dunida Muslimka, kadib markii Shalay la dhammeystiray 30ka Bisha Soon (Ramadan).

Dadka kunool Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka ayaa si weyn u ciidaya, waxaana Dadka ay isugu hambalyeynayaan Farxada Maalinta Koowaad ee Ciidu Fitriga, marka laga reebo Deegaanada ay maamulaan Al-shabaab oo Shalay laga ciiday.

Waddooyinka waaweyn ee Magaalo Madaxda Jamhuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa lagu arkayaa Boqolaal Dad oo isugu jira Caruur, Dhalinyaro, Haween iyo Odayaal, kuwaasi oo Maanta u dabaal degayo Maalinta Koowaad ee Ciida.

Masaajida ku yaalla Muqdisho iyo Magalooyinka Maamul Goboleedyada ayaa Saakay lagu tukaday Saalada Ciidul Fitriga, waxaana Tukashada Saalada ka qeyb galay Mas’uuliyiin iyo Kumanaan Qofood.

Dhinaca kale, Dalalka Caalamka ayaa Maanta oo Khamiis ah ay u tahay Maalinta Koowaad ee Ciida, kadib markii la dhameystiray 30ka Bisha Soon (Ramadan), waxaana jira Dalal kale oo ay Maanta u tahay 30ka Bisha Soon (Ramadan), kuwaasi oo Berri laga Ciidi doono.

Xigasho: Radio Dalsan

Leave a Reply