Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle Oo Eedeeyay Wasaarradaha Maaliyadda Iyo Qorsheynta Ee Dowladda Federaalka

 

13-05-2021

 

JOWHAR – Qoraal ka soo baxay Maamul Gobolleedka Hir-Shabeelle ayaa eedeyn ballaaran loogu jeediyay Wasaarradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Qorsheynta ee Dowladda Federaalka, waxaana lagu sheegay in ay is hortaageen Maalyiin Doollar oo loogu talagalay in wax lagaga qabto Fatahaadaha ku noqnoqday Deegaannada Dowlad Gobolleedka Hir-Shabeelle.

Qoraalka ayaa lagu yiri in Hirshabeelle siweyn uga xun tahay in Wasaaraddaha Maaliyadda iyo Qorsheynta ay Caqabad ku noqdeen Fududeynta iyo Sii Deynta Qarashaad wax looga qaban lahaa Xaalada hadda ka jirta Deegaannada Hir-Shabeelle ee Fatahaada.

Eedeynta ayaa daba soctay Qoraal kol hore Boggiisa Twitter uu soo dhigay Madaxweynihii Hore ee Dowlad Gobolleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo sheegay in Dowladda is hortaagtay $ 35 Milyan oo Dollar oo Aduun Weynuhu ugu talagalay in wax lagaga qabto Dhibaatada Fatahaadu ay ku heyso Hir-Shabeelle.

Xigasho: Hiran Online

Leave a Reply