Farmaajo Ayaa Dib Ugu Soo Noqday Dalka Soomaaliya

 

13-05-2021

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Dalka dib ugu soo laabtay, waxaana wehlinayay Marwodiisa, Marwo Seynab Cabdi Macallim; kaddib martiqaadkii uu kaga qayb galay Munaasabaddi Caleemosaarka Madaxweynaha Dalka Ugaanda (Uganda) Yoweeri Musefeeni (Yoweri Museveni).

Farmaajo ayaa waxaa Garoonka Dayuuradaha Caalamiga ee Aadan Cadde ee Muqdisho kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Xilgaarsiinta.

Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Farmaajo ayaa intii uu Magaalada Kambala uu ku sugnaa, ayaa waxuu kulan doceedyo uu la qaatay qaar kamid ah Madaxdii lagu martiqaaday Caleemosaarka Madaxweynaha Ugaanda Yoweeri Musefeeni. Waxaa kale uu la kulmay Guddoonka Midowga Ardayda Soomaaliya ee wax ka barta Dalka Ugaanda.

Ugu dambeystii, Aqoonyaano badan oo ku kala nool Dalka Soomaaliya iyo Dibaddiisaba, ayaa waxey is weydinayaan labadan weydimood ee soo socdo:

1) Sidee buu Farmaajo uu Hada uu xambaarsanaan karaa Magaca Madaxweyne maadaama uu Muddo Xilleedkiisa, uu Rasmi Ahaan u dhamaaday 8dii Febraayo 2021 isla markaana uusan mudan karin in Madaxweyne lagu sheego?

2) Maxaey Mucaaradka ugu dari waayen Heshiiskii ay la galeen Wasiir Koowaadka Xilgaarsiinta ee Rooble, in Farmaajo aanan loogu yeeri karin Madaxweyne isla markaana uu Madaxweyne sii ahaado Guddoonka Baarlamaanka inta laga dooranayo Madaxweyne Cusub?

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka caalamka, gaar ahaana Wararka Dalka Soomaaliya; siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe,

Leave a Reply