Rag Weerar Qorsheynayay Baa Lagu Qabtay Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya

 

12-05-2021

 

JIGJIGA – Booliska Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa shaaciyay in Howlgal ay ka sameeyeen Magaalada Jigjiga ay suurta gelisay inay gacanta ku dhigaan 9 Qofood oo qorsheeynayay inay Weeraro Argagaxiso ka geystaan Gudaha Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya.

Taliyaha Booliska Dowlad Degaanka Soomaalida Maxamed Cali Xuseen ayaa sheegay in raggaas ay qorsheeynayeen inay weeraraan Xarumaha Diinta isla markaana ay jiraan Ajando qarsoon oo ah inay siidaayaan Maxaabiis uga xiran Xabsiga Hafaana (Havana).

Waxaa uu sheegay in howlgallada ay sii socon doonaan ilaa laga gaarayo Maalmaha Ciidul Fidriga. Wuxuu kaloo sheegay ay horay gacanta ugu dhigeen 7 Qofood oo looga shakiyay inay Weeraro geysan rabeen.

Booliska Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa inta badan waxaa ay sameeyaan Howlgallo kala duwan, iyaga oo dhowr jeer gacanta ku dhigay Hub farabadan iyo raggii watay.

Xigasho: Hiiraan Weyn News

 

Leave a Reply