Maamulka Degmada Afgooye Ayaa Joojiyay Masaajidyo Ay Ka Socotay Takbiirta Ciida

 

12-05-2021

Wararka aan ka heleeyno Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo katirsan Maamulka Degmadaas ay Saakay ay Masaajidyada qaar ay ka joojiyeen, iyadoo ay ka socoto Takbiirta Ciida.

Ciidamada ayaa tegay dhowr Masaajid oo ku yaal Xaafadaha qaar ee Degmada Afgooye, iyaga oo ku amray Imaamyada Masaajida inay joojiyaan Takbiirta Ciida, isla markaana Maanta aysan aheyn Maalin Ciid ah.

Tallaabadaan ayaa ka dambeeysay kadib markii Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada Dalka kajira ay sheegeen in Maanta la dhameystirayo 30ka Bisha Ramadaan, isla markaana Maalinta Berito ah ay tahay Maalinta Koobaad ee Ciidul Fitriga.

Degaannada ay Maamulaan Ururka Al-Shabaab ayaa Maanta laga Ciidayaa kadib markii Xalay ay ku dhawaaqeen inay Bisha arkeen 8 Qofood oo ku kala sugan Gobolada, Hiiraan, Gedo iyo Baay iyo Bakool.

Xigasho: Somali Weyn News

Leave a Reply