Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Ayaa Shaaciyay Liiskii Kama Dambaysta Ahaa Ee Dadkii Qaatay Kaadhadhka Codbixinta

 

12/05/2021

 

HARGEYSA (SOLNA) – Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa shaaciyay inay soo saareen Liiskii kama dambaysta ahaa ee Dadkii qaatay Kaadhadhka Codbixinta ee Gobolada iyo Degmiiyinka Dalka.

Kulan ay wada qaateen Gudida Doorashooyinka Qaranka iyo Xisbiyada Qaranka ee ka qayb galaya Doorashooyinka ayuu Guddoomiye Ku-xigeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Mustafe Maxamed Daahir ka sheegay in Liiskani yahay Dadkii is Diiwaan geliyay ee qaatay Kaadhadhkoodii Codbixinta balse aanay Liiskaasi ku jirin Dadkii hore isu Diiwaan galiyay ee aan Kaadhadhkooda doonnan.

Iyadoo tira guud ee Dadka Codbixiyeyaasha ah ee Gobolada iyo Degmooyinku noqonayaan “Hal milyan shan iyo lixdan kun siddeed boqol iyo todoba iyo afartan codbixiye”.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo Raac) ayaa sheegay in Liiskan ay soo saareen Gudida Doorashooyinka Qaranku uu noqon doono ka rasmiga ah ee lagu galayo Doorashooyinka Goleyaasha Wakiilada iyo Deegaanka ee ku astaysan 31 Bisha May 2021 inay ka qabsoomaan Dalka.

Tirada isku Diwaan galisey inay Codkooda ka dhiibtaan Doorashada Wakiiladda iyo Deegaanka ee 31 May 2021 ee lagu Dhawaaqey.

1,065,847 Codbixiye, 2,709 Goobood, 855 Musharrax, 22 Degmo, 6 Gobol = Somaliland.

1. Gobolka Awdal: 145,919
2. Gobolka Maroodijeex: 400,379
3. Gobolka Saaxil: 98,503
4. Gobolka Togdheer 205,591
5. Gobolka Sool: 103,832
6. Gobolka Sanaag: 111,623
Wadarta Guud ee Dalka 1,065,847

Shaxdan ka akhri hoos, Tirada Goboladda ee Codbixiyeyaasha Doorashooyinka Somaliland.

Liiska Codbixiyeyaasha Doorashooyinka Somaliland

 

Leave a Reply