Jawaab Ay Dowladda Soomaaliya Ka Bixisey Xayiraadii Ay Kenya Kusoo Rogtey Duulimaadyada

 

12-05-2021

 

MUQDISHO – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay Go’aanka ay Dowladda Kenya ku joojisay Dhamaan Duulimaadyadii tegi jirey iyo kuwii ka imaan jirey Dalkeeda.

Sii-hayaha Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Duraan Axmed Faarax oo ka jawaabaya Go’aankaas ayaa ku tilmaamay mid aan rasmi aheyn, maadama uu sheegay inaysan Dowladda Kenya kusoo war-gelin Arrintaas.

Duraan ayaa sheegay in Go’aanka ay Kenya ku joojineyso Duulimaadyadii Soomaaliya iyo Kenya ay keliya ka arkeen Warbaahinta, taasi oo markale mad-madow gelinaysa Xiriirkii Diblumaasiyadeed ee dhawaan soo ceshedeen Labada Dal.

Waxa uu ku sifeeyay Tallaabada Kenya mid la yaab leh, Xili Maalmo kooban horteed la xaliyay Xiisadii Diblumaasiyadeed, si buu yiri Labada Dal ay Dadka deriska ah Noloshooda si caad ah ugu soo noqoto.

Xigasho: Daafeet News

Leave a Reply