Ciidamada Xoogga Dalka Oo Deegaanno Kala Wareegay Al-Shabaab

 

12-05-2021

 

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Qeyta 27aad ayaa sheegay in ay la wareegeen Deegaano badan oo hoostaga Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Taliyaha Guutada 5aad Koloneel Maxamuud Xasan Ibrahim ayaa wuxuu sheegay in Howlgallo ballaaran oo ay Maalimihii la soo dhaafay ay ka wadeen Gobolka Hiiraan, iney kula wareegeen Degaano dhowr ah oo ay Al-Shabaab ku sugnaayeen sida Degaanada Coomaad iyo Madhooy oo hoostaga Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale Talyaha, ayaa wuxuu sheegay in Ciidanka ay Howlgallo ka sameeyeen Deegaano badan oo hoostaga Degmooyinka Matabaan iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa waxey maalmihii la soo dhaafay ay Howlagallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka sameynayeen Deegaano katirsan Gobolka Hiiraan.

Xigasho: Radio Kulmiye

Leave a Reply