Farmaajo Oo U Ambabaxay Magaalada Kambaala Iyo Ujeedka Socdaalkiisa

 

11-05-2021

 

Muqdisho – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Muddo Xileedkiisa Dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay Magaalada Kambaala ee Caasimadda Dalka Ugaanda.

Madaxweynaha ayaa halkaas kaga qayb gelaya Xafladda Caleemo-saarka Madaxweynaha Dalka Ugaanda Mudane Yoweri Museveni oo ku martiqaaday Xafladda qaar kamid ah Madaxda Caalamka.

Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Dalka Ugaanda waxa uu Kulan doceedyo la yeelan doonaa Hoggaanka Dalkaas iyo Madaxda kale ee Dhiggiisa ah ee ka soo qayb gelaya Munaasabaddan, isaga oo kala hadli doona Danaha wadajirka ah ee kala dhexeeya Dalka Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee ka qayb gelaya Munaasabadda Caleemo-saarka Madaxweyne Yoweri Museveni waxaa kamid ah Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamaal Maxamed Xasan, Marwada Koowaad ee Xilgaarsiinta Dalka Seynab Cabdi Macallim, Lataliyeyaasha Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday iyo Saraakiil katirsan Madaxtooyada Qaranka.

Xigasho: Radio Risaala

Leave a Reply