Wasiir Koowaad Rooble Oo Cambaareeyay Weerarkii Argagixisada Ku Qaaday Saldhigga Boliiska Degmada Waaberi

 

10-05-2021

 

Wasiir Koowaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyay Weerrarkii Kooxaha Argagaxisada ah eeAl-Shabaab ay ku qaadeen Saldhigga Booliska Degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho.

“Waxaan cambaareynayaa Weerarkii Argagixisadu ku qaadeen Saldhigga Degmada Waaberi. Waxaan qoysaskoodii iyo Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa Saraakiishii iyo Shacabkii ku naf waayay Falkaas Argagixiso,”ayuu yiri Wasiir Koowaad
Rooble.

Wasiir Koowaadka Dalka ayaa inta ku dhimatay qaraxa Alle uga baryay inuu u naxariisto, dhaawacyadana Allle bogsiiyo.

“Falkani waxa uu Tusaale cad u yahay sida aysan Argagixisadu Xurmo ugu hayn Dhiigga Shacabka Xilligan oo lagu jiro Bisha barakeysan ee Ramadaan. Waa in aan isu kaashannaa la dagaallanka Argagixisada noo diiddan in Dadkeennu ay Nabad ku noollaadaan,” ayuu yiri Wasiir Koowaad Maxamed Xuseen Rooble.

Xigasho: Radio Muqdisho

Leave a Reply