Madaxweyneyaashii Hore Ee Soomaaliya Oo Ka Wada Hadlay Dhameystirka Heshiiskii Ay Gaareen Murcaardka iyo Wasiir Koowaad Rooble

 

10-05-2021

 

Madaxweynehii Hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed iyo qaar kamid ah Hoggaanka Xisbiga Himilo Qaran ayaa waxaa ay booqdeen Hoyga uu Magaalada Muqdisho ka deggan yahay Madaxweynehii hore ee Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamud.

Kulanka ay labada dhinac yeesheen ayaa waxaa looga wada hadlay sidii loo dhameystiri lahaa Heshiiskii ay dhawaantan wada gaareen Midowga Musharaxiinta iyo Wasiir Koowaad Maxamed Xuseen Rooble, sidoo kalena loogu Diyaar-garoobi lahaa Shirka loo balansan yahy 20ka Bishan Maajo iyo Howlaha la-xiriiro Doorashooyinka.

Madaxweynehii Hore ee Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Midowga Murashixiinta Mudane Shariif Shiikh Axmed ayaa sheegay inay sii socon doonaa Shirarka looga hadlayo Arrimaha Masiiriga ah ee Dalka Soomaaliya.

Xigasho: Radio Risaala

Leave a Reply